Synopsis
Listen to interviews, features and community stories from the SBS Radio Somali program, including news from Australia and around the world. - Ka dhagayso waraysiyo, warbixino iyo sheekooyinka jaaliyada barnaamujka idaacada SBS laanteeda Afsoomaaliga oo ay ku jiraan wararka Australia iyo kuwa caalamka.
Episodes
-
SBS News Somali: Warka Talaado 6 Junuary 2026
06/01/2026 Duration: 05minWararka Talaado, waxaa ka mid ah, ninkii lagu eedeeyey weerarkii xeebta Bondi Beach oo loo wareejiyey xabsi ammaankiisu aad u adag yahay. Xaafadaha darafyada magaalooyinka waaweyn oo looga digey dab-dabkaymeedyo. Iyo M.weynaha Ukraine oo sheegay inay Ruushka ka dileen 35,000 oo askari bishii December.
-
SBS News Somali: Warka Isniin 5 January 2026
05/01/2026 Duration: 04minBoqollaal malyan oo doollar ayaa weli Sydney ku sugaya inay dadkii xaq u lahaa soo dalbadaan. Hay'adda Revenue New South Wales ayaa haysa lacago kala duwan oo baadi ah, dadkii lahaana aanay soo dalbannin.
-
Barnaamijkii Jimcaha 2 January 2026 oo dhammaystiran
05/01/2026 Duration: 55minWaa barnaamijkii Jimcaha 2 January 2026 oo dhammays tiran
-
Warkii Soomaaliya - Jimce 2 January 2026
02/01/2026 Duration: 07minXildhibaannada baarlamanka Soomaaliyeed ee kasoo jeeda Somaliland ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray shir ay yeesheen.
-
Malaysia Airlines MH-370 oo dib loo raadinayo tobaneeyo sano ka dib
30/12/2025 Duration: 15minBaadigoob cusub oo dib loogu raadinayo diyaaraddii Malaysia Airlines ee number-ka duulimaadkeedu ahaa MH370 ayaa dib loo bilaabay Talaadadii, December 30 2025, in ka badan toban sano kaddib markii ay diyaaraddaasi luntay. Diyaaraddaas ayaa ka duushay magaalada Kuala Lumpur kuna sii jeedday magaalada Beijing, iyadoo ay saarnaayeen 239 qof.
-
SBS News Somali: Warka Talaado 30 December 2025
30/12/2025 Duration: 04minBooliiska New South Wales ayaa xiray nin lagu eedeeyey qorsheyn toogasho goob dadweyne. Premier-ka New South Wales, Chris Minns, ayaa ka digey korodhka Islam-necaybka oo la sheegay inuu kordhay dhacdadii Bondi ka dib.
-
Khadka taageerada qaxoontiga oo mashquul noday weerarkii Bondi ka dib
29/12/2025 Duration: 10minKhadka telephone-ka ee taageerada qaxoontiga oo loo la yiraahdo khadka Witness to War ayaa aad mashquul u noqday ka dib weerarkii dhowaan lagu qaaday xeebta Bondi Beach. Dowladda federaalkuna waxay ugu deeqday $3.6 million.
-
SBS News Somali: Warka Isniin 29 December 2025
29/12/2025 Duration: 04minDanjiraha Soomaaliya u fadhiya Ururka Carabta ayaa Israel ku cambaareeyey aqoonsigeeda Somaliland. Premier-ka New South Wales-na wuxuu shacabka ku war- geliyey inay habeenka sannadka cusub arki doonaan booliis hub culus wata.
-
Barnaamijkii Jimce 26 December 2025 oo dhammays tiran
28/12/2025 Duration: 48minHalkan ka dhegeyso: Warkii doorashada golaha deegaannada gobolka Benaadir ayaa ka mid ah barnaamijka jimcaha 26 December 2025 oo dhammaystiran.
-
SBS News Somali: Warka Jimce 26 December 2025
26/12/2025 Duration: 09minDadweynaha Australia ayaa loogu baaqay inay ka digtoonaadaan budhcadda Internetka xilligan lagu jiro ee waxa ugu badan laga iibsado online. Dalka Algeria ayaa Faransiisa ka dalbaday raalli gelin iyo magdhow ku saabsan dhibaatadii uu geystey muddo 130 sano ah oo uu addoonsanayey.
-
Somalia News - Warka Soomaaliya: Jimce 26 December 2025
26/12/2025 Duration: 10minDoorashayoonkii golaha deegaannada Bendaadir oo ka qabsoomay Muqdisho iyo madax ka socota qaranka oo ka hadlay.
-
SBS News Somali: Warka Arbaco 24 December 2025
24/12/2025 Duration: 10minBaarlamaanka gobolka New South Wales ayaa ansixiyay sharciyo cusub oo lagu doonayo in lagu xaddido mudaharaadyada dhaca weerarro argagixiso. Sharciyada cusub ayaa mamnuucaya in mudaharaadyo la oggolaado ilaa 90 maalmood kadib marka uu dhaco fal argagixiso—iyadoo ay suurtagal tahay in mamnuuciddaasi ka hirgasho guud ahaan gobolka New South Wales oo dhan.
-
Dhiig-karka qarsoon sidee lagu ogaan karaa?
24/12/2025 Duration: 05minKumanyaal qof oo Australiyaan ah ayaa laga yaabaa, inay qabaan dhiig-kar. Haddii aynu si kale u dhignana, laga yaaba in cadaadiska dhiigoodu sarreeyo, iyaga oo aan ogeyn—inkastoo ay suurto galba tahay inay soo mareen baaritaan dhakhtar. Daraasad cusub ayaa muujisay, in habka hadda loo cabbiro cadaadiska dhiigga, ama dhiig-karku, uu mararka qaar noqdo mid aan sax ahayn.
-
Saameyntii 2025 ee siyaasadda iyo amniga Australia
24/12/2025 Duration: 22minSiyaasaddaha Australia sannadkan 2025,, waxaa la yiraahdaa waxay ahayd, mid bilowgii horeba la sii saadaalin karayey iyo kuwo filanwaa noqdayba. Waxaa ka mid ahaa doorashadii bishii May, oo uu xisbiga Labor-ku dib ugu soo laabtay talada, isagoo guul ballaaran ku hantiyay, halka laba hoggaamiye oo mucaarad ah — Peter Dutton iyo Adam Bandt — ay labaduba lumiyeen kuraastoodii.
-
SBS News Somali: Warka Talaado 23 December 2025
23/12/2025 Duration: 05minDacwad dhinaca dastuurka ah ayaa laga yaabaa in laga gudbiyo, tallaabooyinka ka-hortagga mudaharaadyada ee laga hirgelinayo gobolka New South Wales, kaddib weerarkii argagixiso ee ka dhacay Bondi. Baarlamaanka gobolka ayaa dib loogu yeeray kulan socdey laba maalmood, si ay u ansixiyaan sharciyo xaddidaya mudaharaadyada, bartilmaameedsanaya hadallada naceybka isla markaana adkaynaya shuruucda lahaanshaha hubka.
-
SBS News Somali: Warka Insiin 22 December 2025
22/12/2025 Duration: 04minBaarlamaanka gobolka New South Wales ayaa dib loogu yeeray si ay u fariistaan labada maalmood ee, 22-ka iyo 23-ka Diseembar, si looga doodo arrimo kala duwan oo kuwada jira hal sharci oo keliya, kuwaas oo daba socda weerarkii argagixiso ee ka dhacay Bondi.
-
SBS Somali Program Full: Barnaamijkii Jimce 19 December 2025
21/12/2025 Duration: 51minBarnaamijkii Soomaaliga ee Jimce 19 December 2025 oo dhammaystiran. Xayaysiis waa laga reebay
-
How to cope during a heatwave in Australia - Sida looga badbaado kulaylka xad-dhaafka ah ee Australia
21/12/2025 Duration: 14minSummer in Australia can be very hot, and as our climate continues to warm, heatwaves are expected to become more frequent and more intense. In this episode of Australia Explained, we cover what a heatwave is, why they pose such a significant risk to human health, who is at most risk, and how to best prepare to cope with a heatwave. - Xilliga xagaaga ee Australia aad buu u kululaan karaa, iyadoo isbeddelka cimiladuna sababayo in kulaylka darani soo noqnoqdo oo sii xoogeysto. Qaybtan barnaamijka Australia Explained, waxaan ku sharaxaynaa waxa uu yahay 'heatwave', sababta uu khatar weyn ugu yahay caafimaadka dadka, cidda ugu nugul saameyntiisa, iyo sida ugu habboon ee loogu diyaargaroobo oo loola qabsado.
-
SBS News Somali: Warka Jimce 19 December 2025
19/12/2025 Duration: 11minDowladda Australia ayaa dejin doonta barnaamij qaran oo cusub oo dib loogu soo iibsanayo hubka, kaddib dilkii 15 qof loogu geystey, weerar argagixiso oo ka dhacay xeebta Bondi Beach, Axaddii lasoo dhaafay.
-
Somalia News: Jimce 19 December 2025
19/12/2025 Duration: 02minWarkii Soomaali ee Jimce, 19 December 2025