Synopsis
Listen to interviews, features and community stories from the SBS Radio Somali program, including news from Australia and around the world. - Ka dhagayso waraysiyo, warbixino iyo sheekooyinka jaaliyada barnaamujka idaacada SBS laanteeda Afsoomaaliga oo ay ku jiraan wararka Australia iyo kuwa caalamka.
Episodes
-
Xisbiga One Nation oo kursigii ugu horreeyey ka helay aqalka hoose ee South Australia
24/03/2026 Duration: 07minDoorashadii dhowaan ka dhacday gobolka South Australia ayaa dhalisay dhibaato siyaasadeed oo heer federaal ah, ka dib markii uu xisbiga One Nation ka fara-maroojiyey xisbiga Liberal-ka, booskii mucaaradka rasmiga ah. Tani waa guushii ugu weynayd ee uu xisbigaasi gaaro muddo ku dhow 30 sano
-
SBS News Somali: Warka Soomaaliga Talaado 24 March 2026
24/03/2026 Duration: 05minAustralia iyo Midowga Yurub oo kala saxeexday heshiish dhinanyo badan. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo sheegay inay wada-hadallo u socdaan Iran, iyo Iran oo beenisay.
-
Have you considered a career in translating and interpreting? - Australia Explained: Kaalinta Turjumaanka: Shaqo iyo Adeeg Bulsho
23/03/2026 Duration: 12minHave you ever considered using your bilingual skills to assist others? A career in translating and interpreting might be for you. In Australia you can train for a TAFE certificate all the way to Master’s degree prior to getting certified. In this episode we help you navigate the pathway to becoming a qualified practitioner. - Marna ma is tiri xirfaddaada labada luuqadood (Bilingual) waxaad ugu adeegi kartaa bulshada? Hadday jawaabtu tahay haa, shaqada turjumaadda qoraalka (Translating) iyo midda hadalka (Interpreting) ayaa kuu furan. Warbixintan waxaanu kuugu tilmaamaynaa dhabbada saxda ah ee aad u mari karto si aad u noqoto turjumaan diwaan gashan.
-
Rhoda Roberts AO: Halgamaagii dhaqanka ee beddeshay ummadda
23/03/2026 Duration: 10minMaamuus iyo ammaan baa loo jeediey. Rhoda waxay ahayd qoraa, jilaa, iyo agaasime caan ah, waxaana sannadkii 2016-kii la guddoonsiiyey billadda sharafta Order of Australia. Qoyska Rhoda ayaa u oggolaaday SBS inay baahiso sawirradeeda iyo codkeeda si loo maamuuso dhaxalka fog ee ay ka tagtay.
-
SBS News Somali: Warka Soomaaliga Isniin 23 March 2026
23/03/2026 Duration: 05minWarka maanta waxaa ka mid ah: Dowladda New South Wales oo sheegay inay dadka kiraystayaasha ah u howl yaraysay inay dib ula soo noqdaan deebaajiga guryaha ama ay u wareejiyaan guri ay kiraysanayaan.
-
Sababta uu Donald Trump u rabo inuu 'qabsado Cuba' ma talo-xumaa?
22/03/2026 Duration: 14minMadaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay qorshe uu "kula wareegayo" dalka Cuba. Damacan ayaa yimid xilli ay sii xumaanayso dhibaatada bini'aadantinimo iyo tan tamarta ee dalka Cuba.
-
Somali Program Full: Barnaamijka Af-Soomaaliga Jimce 20 March 2026
22/03/2026 Duration: 56minHalkan ka dhegeyso barnaamijkii Jimcaha oo dhammaystiran. Ka hel warar iyo faallooyin faa'iido leh.
-
SBS News Somali: Warka Af-Soomaaliga Jimce 20 March 2026
20/03/2026 Duration: 09minHalkan ka dhegeyso warkii Jimcaha ee Australia iyo caalamka
-
Somalia News: Warka Soomaaliya Jimce 20 March 2026
20/03/2026 Duration: 11minMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo muslimiinta ugu hambalyeey Ciidda iyo cafis uu fidiyey. Waxaa kale oo warka ka mid ah xiisadda ka dhex aloosan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo dowladda Federaalka.
-
SBS News Somali: Warka Khamiis 19 March 2026
19/03/2026 Duration: 06minRa’iisul Wasaaraha Australia, Anthony Albanese, ayaa magacaabay Isku-duwe Qaran oo qaabilsan arrimaha shidaalka, si wax looga qabto dhibaatooyinka dhanka sugnaanta shidaalka ee soo kordhay. Dowladda Iran-na waxay digniino culus u dirtay dalal ka mid Khaliijka.
-
Sugnaanta tamarta Australia ee muddada fog oo su'aal laga keenay
18/03/2026 Duration: 06minXukuumadda Canberra ayaa si kumeel-gaar ah u oggolaatay in suuqyada la soo geliyo baatrool tayadiisu hoosayso oo ay ku badan tahay maadada Sulphur-ku
-
#106 Mmm or Hmm? Trying new and unusual food - Learn English #106: Ku baro Ingiriisi sida looga af-celiyo dhadhanka cunto kugu cusub
18/03/2026 Duration: 09minLearn useful English for talking about unusual or strong flavours. Practise everyday phrases for reacting to new foods, sharing opinions, and encouraging someone to try something new. - Baro Ingriisi aad ku sheegto cunto kugu cusub iyo dhadhankeeda, weedho aad kaga af-celiso cuntooyin cusub, ama sida aad qof kale ugu sheegto inuu isku dayo cuntada cusub.
-
SBS News Somali: Warka Af-Soomaaliga Arbaco 18 March 2026
18/03/2026 Duration: 12minAfarta bangi ee Australia ugu waaweyn oo dulsaarka demayaha guryaha kordhinaya go'aankii bangiga dhexe ka dib. Donald Trump-na wuxuu sheegey inaanu u baahnayn caawimada NATO.
-
Somalia News: Warkii Soomaaliya Arbaco 18 March 2026
18/03/2026 Duration: 09minHalkan ka dhegeyso: Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay xidhiidhkii wada-shaqaynta ka goosteen dowladda Federaalka Soomaaliyeed.
-
Guddiga Musuqmaasuqa oo labo mas’uul ku helay musuqmaasuq halis ah Robodebt ka dib
17/03/2026 Duration: 06minHalkan ka dhegeyso: Services Australia oo waagaas la oran jirey Department of Human Services, ayaa barnaamijka Robodebt isticmaashay intii u dhaxeysay 2015 ilaa 2019. Wuxuu ahaa nidaam si otomaatig ah deyn ugu soo saari jiray dadka caawimada dowladda qaata. Maxkamadda ayaa markii dambe xukuntay inuu ahaa mid sharci-darro ah, taas oo keentay inay dowladdu dib u celiso lacag dhan $1.8 bilyan oo laga qaaday dadka.
-
SBS News Somali: Warka Af-Soomaaliga Talaado 17 March 2026
17/03/2026 Duration: 04minIman Nayef, ayaa laba sannadood oo aanay arkin qoyskeeda tagtay magaalada Tyre ee koonfurta Lubnaan hal maalin uun ka hor intii aanu dagaalku qarxin. Iyada iyo saddexdeeda carruur ah ayay sheegtay in nooligoodu gaarey $19,000, taasoo aad u adkaysay noo noqoshadooda.
-
Islaam-neceybku kusii kordhay Australia iyo dowladda oo loo soo jeediyey inay wax ka qabato
16/03/2026 Duration: 10minGuddiga Xuquuqda Aadanaha ee Australia ayaa xilligan loo dabbaaldegey Maalinta Caalamiga ah ee la dagaallanka Islaam-neceybka, ku baaqaya tallaabo degdeg ah oo wax looga qabanayo tacaddiyada, takooridda, iyo necaybka ka dhanka ah dadka Muslimiinta ah.
-
Ciidanka Qaranka South Africa oo jidadka Johannesburg lagu daadiyey ammanka sii xumaaday awgii.
16/03/2026 Duration: 10minSouth Africa ayaa ka mid meelaha ay ka dhacaan dembiyada ugu badan ee adduunku. Ciidammada Difaaca Qaranka ayaa hadda loo diray shan ka mid ah sagaalkeeda gobol, si wax looga qabto dhibaatooyinka sii kordhaya.
-
SBS News Somali: Warka Af-Soomaaliga Isniin 16 March 2026
16/03/2026 Duration: 05minDowladda Victoria ayaa soo rogeysa xeerar lagu xidhi karo dukaamadada iibiyo tubaakada sharci-drrada ah. Iran-na waxay waddamada caalamka uga digtey inay kusoo biiraan dagaalka ay ku kula jiraan Maraykanka iyo Iran iyadoo isla markaana canaan u dirtay dalalka Carabta.
-
Think before you pack: Australia’s customs and biosecurity rules explained - Maxaad kuugu jira boorsada? Qeexidda Xeerarka ilaalada Xuduudaha Australia (Customs)
16/03/2026 Duration: 11minCustoms is generally the first point of contact for people entering Australia. Our Border Force Officers are there waiting. They ensure that we don’t bring in prohibited goods that could threaten Australia’s unique environment, economy and communities. Before you zip up your suitcase, here’s what you need to know about what can—and can’t—cross the border, and what’s at stake if biosecurity rules are ignored. - Ciidanka Ilaalada Xuduudaha (Customs) ayaa inta badan ah cidda ugu horreysa ee ay dadka soo gelaya dalka Australia, la kulmaaan iyagoo ilaaliya in dalka lasoo geliyo walxo ama badeecado khatar ah. Haddaba ka hor, inta aadan boorsada cabbaysanin, halkan ka baro waxa aad keeni karto dalka, waxa lagaa rabo inaad sheegto haddii aad sidato, iyo khatarta ka dhalan karta haddii aad iska indho-tirto xeerarka xuduudaha.