Synopsis
Listen to interviews, features and community stories from the SBS Radio Somali program, including news from Australia and around the world. - Ka dhagayso waraysiyo, warbixino iyo sheekooyinka jaaliyada barnaamujka idaacada SBS laanteeda Afsoomaaliga oo ay ku jiraan wararka Australia iyo kuwa caalamka.
Episodes
-
Sharciga hubka Australia ma adag yahay? Weerarkii Bondi ka dib
16/12/2025 Duration: 11minGolaha Qaranka ee Australia ayaa mar kale go’aansaday in si degdeg ah loo adkeeyo shuruucda lahaanshaha hubka, ka dib weerarkii argagixisada ee ka dhacay Xeebta Bondi ee ku taalla magaalada Sydney, halkaas oo nin haysta ruqsad hub, iyo wiilkiisu ay ku dileen ugu yaraan 15 qof.
-
Deeqda Wheelchair-ka: Sida uu Des u beddelay nolosha 12,000 oo qof
16/12/2025 Duration: 07minKoox iskaa-wax-u-qabso ku shaqaysa ayaa soo aruursada baskeellada ama bushkleetiyada gabooba ee la tuuro, iyagoo dabadeed ka sameeya kursi taayiro leh oo ay isticmaali karaan carruurta curyaannada ahi. Hay’ado samo-fal oo caalami ah ayay u sameeyaan.
-
SBS News Somali: Warka Australia iyo caalamka 16 December 2025
16/12/2025 Duration: 04minHoggaamiyaha mucaaradka, Susan Ley, ayaa dowladda ku sheegtay inay ku fashilantay ilaalinta muwaadiniinta Yuhuudda Australia. Hoggammiyaha Jarmalka ayaa rajo ka muujiyey nabadaynta Ruushka iyo Ukraine.
-
SBS News Somali: Warka Isniinta 15 December 2025
15/12/2025 Duration: 05minWeerar argagxiso oo shalay galab lagu qaaday xeebta Bondi Beach ee Sydney ayaa illaa hadda la xaqiijiyey inay ku dhinteen16 qof oo midkood yahay cunug. Aabbe iyo wiilkiisa ayay booliisku sheegeen in lagu eedeeyey weerarka rasaasta ah.
-
SBS Somali Full Prgram: Barnaamijkii Jimce 12 December 2025
15/12/2025 Duration: 49minBarnaamijkii Jimce 12 December 2025 oo dhammaystiran. Xayaysiis ma laha.
-
Your first steps to engaging with Indigenous Australians - Sida Loo Bilaabo Fahamka iyo Dhex-galka Dadka loogu yimid Australia
14/12/2025 Duration: 11minConnecting with Indigenous Australia can be daunting for a newcomer to the country. So, where do you start? We asked Yawuru woman Shannan Dodson, CEO of the Healing Foundation, about simple ways to engage with First Nations issues and people within your local community. - Haddii aad ku cusub tahay Australia, waxaa laga yaabaa inaad maqashay erayada “Country”, “Traditional Owners”, ama “First Nations”. Waa muhiim inaad ogaato waxa ay ka dhigan yihiin. Qaybtan Australia Explained waxaannu ku sharraxaynaa siyaabo fudud, oo aad ku bilaabi karto barashada bulshooyinka First Nations iyo dhaqammadooda
-
SBS News Somali: Warka Australia iyo caalamka 12 December 2025
12/12/2025 Duration: 08minBarta bulshada ee Reddit ayaa dacwad sharci ah ka gudbisay xayiraadda Australia ee baraha bulshada ka mamnuucday carruurta ka yar 16 sano. Afar nin oo Faransiis ah ayaa lagu eedeeyey inay guri Camberra ku yaalla ka xadeen alaabo lagu qiimeeyey 10 milyan oo doollar.
-
Somaliya News: Warka Soomaaliya 12 December 2025
12/12/2025 Duration: 08minWarka Soomaaliya ee Jimcaha 12 December 2025
-
Trump oo Yurub maagay Ukraine oo dagaal ku jirtona ku cadaadiyey inay doorasho qabtaan
12/12/2025 Duration: 08minMadaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa weerar afka ah ku qaaday waddamada qaaradda Yurub. Madaxweynaha ayaa waraysi uu bixiyey, oo hadal-hayn badan dhaliyey, ku sheegay inay qaaradda Yurub “duminayso” sabab la xiriirta siyaasadahooda socdaalka kuwaas oo uu ku tilmaamay siyaasado daciif ah.
-
SBS News Somali: Warkii Australia iyo caalamka 10 December 2025
10/12/2025 Duration: 10minBoqolaal kun oo dhallinyaro ah ayaa maanta - Arbaco 10 December 2025 - laga mamnuucay baraha bulshada, kadib markii la dhaqan-geliyay sharciyo noqday kuwii ugu horreeyey adduunka, oo loogu talo galay in carruurta si fiican looga ilaaliyo khataraha internet-ka. Instagram, Facebook, Snapchat, YouTube iyo TikTok ayaa ka mid ah baraha aqbalay inay fuliyaan xeerarka cusub, kuwaas oo mamnuucaya in qof ka yar 16-jir uu yeesho akoon.
-
Somalia News: Warkii Soomaaliya ee Arbaco 10 December 2025
10/12/2025 Duration: 10minDoorashada golayaasha deegaannadda Benaadir oo la qaban doono 25 December 2025 iyo urrurradii ugu badnaa oo guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo soohdimaha usoo gudbiyey liiska musharxiinta.
-
Waraysi: Maxamed Wardheere oo ka warramay saamaynta eedaynta Donald Trump ee Soomaalida Maraykanka
09/12/2025 Duration: 18minEedeyntii madaxweynaha Maraykanku sidee bay u saamaysay Soomaalida Maraykanka? Waxaa inooga warramaya Maxamed Wardheere.
-
SBS News Somali: Warka Talaado 9 December 2025
09/12/2025 Duration: 03minWill 14-jir ah oo ku dhintay shil ka dhashayE-bike uu watey iyo baabuur oo ka dhacay Melbourne. Wasiirka isgaarsiinta Australia, Anita Wells, oo lagu eedayanayo kharashaad badan iyo Australia iyo Maraykanka oo shir muhiim ah ku leh Washington.
-
'Fursad na siiya’: Qoysas qaxooti ah oo Australia ku xanniban oo sugaya go’aan
09/12/2025 Duration: 13minIn ka badan 900 oo qof oo magangelyo-doon kana mid ah dadkii doonyaha ku yimid Australia ku dhawaad 13 sano kahor — ayaa weli ku sugan xaalad ah hubnati la’aan fiise, iyaga oo u dadaaalaya in la siiyo fiise ay waddanka si joogto ah ugu degaan. Waxaana caqbad ku noqotay siyaasaddii socdaalka ee 2013-dii lagu soo rogay dadka doonyaha kusoo gala.
-
SBS Somali News - Warka Isniin 8 December 2025
08/12/2025 Duration: 04minWarka Australia iyo caalamka ee maanta oo Isniin ah: 8 December 2025
-
SBS Somali Full Friday Program - Barnaamijkii Jimcaha 5 December 2025 oo dhan
08/12/2025 Duration: 49minHalkan ka dhegeys barnaamijkii jimce 5 December 2025 oo dhammays tiran.
-
SBS Somali News - Warkii Australia iyo caalamka: Jimce 5 December 2025
05/12/2025 Duration: 09minDigniin ku saabsan kulayl aad u sarreeya ayaa laga soo saaray inta badan gobolka New South Wales, iyadoo la filayo in heerkulku qaybo ka mid ah magaalada Sydney uu gaaro 40°C. Sharci ay soo wada saareen dowlad-goboleeyada Australia ayaa dhigayaa in haddii hal dowlad-goboleed ay qof ka mamnuucdo haysashada, Working with Children Check, ay sidoo kale, kuwa kalena ka mamnuucayaan.
-
Somalia News - Warka Soomaaliya ee Jimce 5 December 2025
05/12/2025 Duration: 08minMadax-weynaha Soomaaliya ayaa Muqdisho ku soo xidhay shirweynihii 6aad ee hoggaanka iyo hal-abuurka Soomaaliya. Taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliyeed, Jeneraal Mahad Cabdirahmaan Aadan ayaa isna sheegay in ciidanka asluubta oo xaalad adag ku shaqeeya laga been sheegay.
-
A parent’s guide to help teens adjust to social media age restrictions - Hagaha Waalidka: Sid dhallinta loogu diyaariyo mamnuucidda baraha bulshada
05/12/2025 Duration: 10minAustralia is restricting access to social media accounts for under-16s, and many families are wondering what it means in practice. While the rules place responsibility on tech platforms rather than young people or their parents, the changes may still create stress for teens who rely on social media to stay connected. Find out how the ban will work, why connection still matters, and how experts suggest supporting young people through the transition. - Australia ayaa caruurt ka yar16-jir ka xaddideysa baraha bulshada, waana arrin ay qoysas badani ka walaacsan yihiin. In kasta oo ay xeerarku mas’uuliyadda saarayaan shirkadaha, ayay haddana culays saari kartaa waalidka iyo caruurta baraha u isticmaasha xidhiidhka. Wax ka ogow sida mamnuuciddu u shaqayn doonto, sida xidhiidhka carruurtu weli muhiim u yahay iyo talada ay bixiyeen khubaradu.
-
'Waxaan jeclaan lahaa in aan noqdo eey': Maxaa Maxamed kaga dhacay xabsiyada socdaalka Australia
04/12/2025 Duration: 13minKoox ka socota Qaramada Midoobay oo u qaabilsan Kormeerka xirista sharci-darada ah, ayaa baaraysa sida dadka soo-galootida ah looga qaado xorriyaddooda ha noqoto in lagu xiro xabsiyo dalka gudihiisa ah, ama kuwo ka baxsan-ba’e.