Synopsis
Listen to interviews, features and community stories from the SBS Radio Somali program, including news from Australia and around the world. - Ka dhagayso waraysiyo, warbixino iyo sheekooyinka jaaliyada barnaamujka idaacada SBS laanteeda Afsoomaaliga oo ay ku jiraan wararka Australia iyo kuwa caalamka.
Episodes
-
SBS News Somali: Warka Khamiis 19 February 2026
19/02/2026 Duration: 05minMasaajidka Lakembe ee magaalada Sydney ayaa bill gudeheed loogu soo diray waraaq hanjebaad ah. Booliiska ayaa kordhinaya gaaf-wareegga iyo ilaalinta goobaha cibaadada.
-
ACCC oo Coles ku eedeysay inay ka been sheegeen qiimo-dhimis
18/02/2026 Duration: 06minHa'adda ACCC ayaa shirkadda dukaammada waaweyn ee Coles ku eedeysay inay macaamiishooda ku marin habaabiyeen qiimo-dhimis aan run ahayn. Maxakamadda Federaalka Australia ayay dacwad ka geeyeen. Warbixintan baa kuu faahfaahinaysa.
-
SBS News Somali: Warka Arbaco 18 February 2026
18/02/2026 Duration: 11minDowladda New South Wales ayaa soo bandhigtay hindise-sharciyeed la yiraahdo, crime amendment bill, si loogula dagaallamo xag-jinimada garabka midigta kaddib markii uu mudaharaad neo-Nazi ahi ka dhacay bannaanka Baarlamaanka gobolka, bishii Nofembar ee sanadkii hore.
-
Interview: Waraysi - Jaamac Faarax oo ka warramay qalab caafimaad oo gaadhey Dire Dawa
18/02/2026 Duration: 11minContainer laga buuxiyey alaab iyo qalab caafimaad ayaa dhowan gaarey Dilchora Referal Hospital - Dire Dawa. Waa deeq ay hay'adda Rotary Club ee Footscray ay direen. Jaamac Faarah oo mas'uul sare ka ah Rotary Club Footscray ayaa hormuud ka ahaa. Waraysiganna wuxuu kaga warramayaa gaarintaanka alaalbte ee Dire Dawa.
-
Somalia News: Warka Soomaaliya Arbaco 18 February 2026
18/02/2026 Duration: 10minWarka Soomaaliya waxaa ka mid ah maanta, shirweyne lagu qabtay Muqdisho oo loogu yeeray 'Badbaadada Dowlad-goboleedkka Koonfur Galbeed' iyo mas'uuliyiin hore oo ka hadashay.
-
How to recover from bushfires - Australia Explained: Sida looga soo kabto dab-kaymeedka
17/02/2026 Duration: 12minAustralia’s hot, dry climate and unique landscapes make it one of the most bushfire-prone countries in the world. As climate change drives higher temperatures and drier conditions, we can expect more frequent and more intense bushfires in the future. But once the fire is out, how do you return home safely, find support, and look after yourself? - Australia waa dal leh cimilo kulul oo qalalan iyo qab-dhuleed u gaar ah, sidaana kaga dhigtaymid ka mid ah dalalka aduunka ee ugu nugul dab-kaymeedyada. Is-beddelka cimilada yaa sababi karo dabab tiro badan oo kasii xooggan kuwii hore. Sidee ayaad guriga si nabad ah ugu laabataa, haddii aad markii hore ka qaxday dabka? Sidee baad taageero ku heli kartaa, sidee baadse isu dar-yeeli kartaa? Halkan ka ogow.
-
SBS News Somali: Warka SBS ee Af-Soomaaliga 17 February 2026
17/02/2026 Duration: 04minDukumiintiyo la xiriira dambiilihii galmada lagu xukumay ee geeriyooday, Jeffrey Epstein, ayaa muujinaya in tacaddiyada loo geystay haweenka iyo gabdhahu ay ahaayeen kuwo baahsan, heer ay gaari karaan dambiyo ka dhan ah aadanaha sida uu dhigayo sharciga caalamigu.
-
60-guuradii lacagta Australia ee tobanleyda ah (Decimal Currency)
16/02/2026 Duration: 10min14-kii Febraayo ee 1966-dii ayay ahayd subaxii ay dadka Australia kusoo tooseen lacag cusub (dollar) iyo hab cusub oo loo xisaabiyo. Wax ka ogow taariikhda lacagta Australia iyo sababtii looga guurey nidaamkii Ingiriiska oo loogu beddelay doollarka.
-
SBS News Somali: Warka SBS Isniin 16 February 2026
16/02/2026 Duration: 05minKu xigeenka hoggaanka mucaaradka heer federaal ayaa sheegtay in beddelaadda siyaasaddoodu aanay ahayn mid ay kula tartamayaan taageerada sii kordhaysa ee xisbiga One Nation. Naveed Akram oo ku eedaysan inuu qayb ka ahaa weerarkii Bondi Beach ayaa isna maanta maxakmada kasoo muuqday.
-
SBS Somali Program Full: Barnaamijka Jimcaha 13 February 2026
15/02/2026 Duration: 53minHalkan ka dhegeyso barnaajijkii Jimce 13 February 2026 oo dhammays tiran. Waxaad ka helaysaa warar iyo warbixinno muhiim ah.
-
SBS News Somali: Warka SBS ee Jimce 13 February 2026
13/02/2026 Duration: 07minHoggaammiyihii hore ee xisbiga mucaaradka heer federaal, Susan Ley, ayaa siyaasadda ka fadhisatay ka dib markii laga qaaday hoggaamintii xisbiga. Angus Taylor ayay xubnaha xisbigu uu doorteen hoggaamiye. Donald Trump-na wuxuu sheegay inuu joojinayo hawl-gallada ICE ee Minnesota.
-
Somali News: Warka Soomaaliya ee Jimce 13 February 2026
13/02/2026 Duration: 11minXubno ka tirsan golaha isku magacaabay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa haddallo ka jeediyey shir ay isugu yimaaddeen hotel ku dhex yaalla xerada Xalane.
-
SBS News Somali: Warka Soomaaliga ee SBS 12 February 2026
12/02/2026 Duration: 05minAngus Taylor oo ah xildhibaan ka tirsan xisbiga Liberal-ka ayaa iska casiley safka hore ee xisbiga si uu hoggaanka ugula tartamo hoggaamiyaha hadda, Susan Ley. Afartan iyo siddeedda saacadood ee soo socda ayaa la filayaa codbixinta.
-
SBS News Somali: Warka Soomaaliga ee SBS 11 February 2026
11/02/2026 Duration: 11minMuftiga Guud ee Muslimiinta Australia ayaa ku baaqay baaritaan hufan oo madax-bannaan oo lagu sameeyo hab-dhaqankii booliiska New South Wales, kaddib mudaharaadkii ka dhacay Sydney oo looga soo horjeeday booqashada Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog.
-
Somalia News: Warkii Soomaaliya ee Arbaco 11 February 2026
11/02/2026 Duration: 10minWarka Soomaalia ee maanta waxaa ka mid madaxweynayaasha Puntland iyo Juppa Land, Saciid Cabdillaahi Deni iyo Ahmed Mohamed Islam (Ahmed-modoobe) ayaa soo gaaray Muqdishu si ay uga qayb galaan shirka loo ballansan yahay.
-
Forced Marriage: Dugsiyada Australia oo loogu baaqay inay hubiyaan calaamadaha guurka qasabka ah
10/02/2026 Duration: 06minBooliiska Federaalka Australia ayaa ugu baaqayaan iskuullada, inay si gaar ah ugu feejignaadaan calaamadaha muujin kara in arday lagu khasbayo guur qasab ah.
-
America oo rabta macluumaadkaaga shakhsi. Australia ma siin kartaa?
10/02/2026 Duration: 13minWaxaa laga yaabaa inaad is tiraahdo “adigu maraykan umaba socotid oo xogtaadu waa ammaan’. Laakiin waxaa suurto-ga ah, in xogta dhammaan dadka Australia lagu daro heshiiskan, sidaana ay xogtaadu ku gasho gacan kale oo aan ahayn tan Australia.
-
SBS News Somali: Warka SBS ee Talaado 10 February 2026
10/02/2026 Duration: 05minPremier-ka NSW Chris Minns ayaa difaacay tallaabadii ay booliisku ka qaadeen mudaharaad ka dhacay Sydney, kaas oo lagaga soo horjeeday booqashada madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog. Dibadbaxayaal isugu soo baxay Sydney Town Hall-ka Sydney, si ay u cambaareeyaan booqashada Herzog ayaa la sheegay inay booliisku ku buufiyeen basbaaska indhaha (pepper spray), rii-riixeen, qaarna garaaceen.
-
Australiyaan badan oo xabsiyada ku xidhan iyo kharashkooda badan. Nidaamku ma shaqyanyaa?
09/02/2026 Duration: 12minCelcelis ahaan, in ka badan 45 kun oo qof oo qaangaar ah ayaa maalin kasta la xirayey sannad-maaliyadeedkii 2024–2025, taas oo qiyaastii 2,500 qof ka badan sannadkii ka horreeyay.
-
SBS Somali Program Full: Barnaamijkii Jimcaha 6 February 2026 oo dhammaystiran
09/02/2026 Duration: 50minHalkan ka dhegeyso barnaamijkii Jimcaha 6 February 2026 oo dhammaystiran, xayaysiikiina laga reebay