Synopsis
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ahAnsvarig utgivare: Olle Zachrison
Episodes
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
14/06/2023 Duration: 03minDilaa xukunka xabsi daa'in ah ku xukunnaa oo imminka loogu bedelay xabsi wakhti xaddidan. Koriimmada caruurta oo la sheegay inay saameyn xun ku yeelato xaafadda uu ku barbaaro. Xiriirka joogtada ee waalidku la leeyahay iskuulka oo door ka ciyaara guusha waxbarashada ubadka.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
12/06/2023 Duration: 02minXukuumadda Iswiidhen ayaa go'aan ku gaartay in ay Turkiga gacanta u geliso nin 35 jir oo muwadin Turki ah. Maxkamadda sare ee maamulka ayaa dubbaha ku dhufatay racfaankii boliiska in aanu xaq u laheyn inuu ogolaansho u diido bannaanbax lagu qaban lahaa bishii feeberaayo sannadka magaalada Stockholm, si kitaabka qur'aanka loogu gubo. Laga bilaabo kalaguurkii sannadka ayaa la xeereeyey in la diiwaangwliyo dhammaan bisadaha dalka.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
09/06/2023 Duration: 03minMurugo iyo xasuus loo qabtay will tooreey lagu dilay Älvsjö. Beeraleyda koonfurta Sweden oo ka wel welsan abaarta iyo kuleylka halka dad kalana ay ku raaxeysanayaan kuleylka. Xaafaddeyda waxaa ka da'aya dhiig oo ah barnaamij looga hadlayo dilalka dhallinyarada ee kooxaha gaangiska.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
08/06/2023 Duration: 02minAnnie Lööf, Ahmed Berhan iyo in kale oo magac ku leh bulshada oo daadin doona barnaamijka Soomar ee ka baxa P1 sannadkan. 11 jir xalay gaar ku jiiray Märsta oo u dhintay dhaawacii iyo qofkii gaariga waday oo ku jira gacanta ciidamadda amniga iyo dhallinta oo u baahan dhiiragelin
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
07/06/2023 Duration: 02minBaare ka tirsan dowladda oo soo jeediyay in toddobaad dhalmada ka hor dumarka urrka leh la siiyo lacag sharuud la'aan ah. 8 jir la doonayo in laga masaafuriyo Iswiidhen iyo debaaldegga maalinta qaranka Sweden iyo kooxdii Dur dur banda.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
05/06/2023 Duration: 03minWaxaa kordhaya dadka booliska ganaxaaxo ee la qabto iyaga oo ku kaadshaya banaanka. Sicirka cuntada oo bishii labaad oo xiriir ah hoos u soo dhacaya iyo xaflad soo jireen ah balse sannadkan ku sauuman yihiin kooxo fanaaniin ah oo ka dhaceysa Rinkeby
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
02/06/2023 Duration: 02minDood faqooqa caruurta ee iskuuladda oo qeyb ka ahayd toddobaadka siyaasadda Järva. Maxkmadda racfaanka oo adkeysay xukun 17 jir dil u geystay qof 55 oo uu ku qalday qof xiriir la ahaa kooxaha dambiyada iyo timojaraayasha Norrköpingoo la baarayo ka dib kiisas cambaar madaxa ah
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
01/06/2023 Duration: 03minGacan ka hadal xooggan oo maanta ka dhacay magaaladda Eskilstuna. Boonbaladii ugu horreysay oo u sammeysan qaab dumar oo loo adeegsaday tijaabooyinka shilalka gaadiidka. Wershad bir tii ugu weyneyd laguna furayo magaaladda Boden oo ansixinteeda tallaabo loo qaaday
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
31/05/2023 Duration: 03minKummanaan qof oo ku dhaawacmay shilalka baaskiilada koronatada ee lugta lagu haraatiyo sannadkii hore. Magaaladda Uppsala oo noqon karta meel bukaanaddu lacag ku raacaan ambalaasta. Shaqo la'aanta oo hoos u dhacday.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
30/05/2023 Duration: 03minGaari laga shiday wax lagu tuhusan yahay gubaabada kooxaha xagjirka Islaamiyiinta inta ay socdeen rabashidii Påsk ee Örebro oo la kashifay. Safarrada oo mar kale kordhay Corona ka dib. Qoraa iswiidhish ah oo buugagtiisa qeyb ka ahaayeen bandhigii carwada buugagta Rinkeby.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
29/05/2023 Duration: 02minMadaxa kooxda kubadda cagta AIK oo is casilay. Wasiirka arrimaha dibedda Turkiga oo ka bbaqday kullanka Nato ee Oslo oo la filayay in ay isku arkaan dhigiisa Sweden Tobias Billström. Bandhiga buugagta Rinkeby oo la qabtay markii ugu horreeysay wixii ka dambeeyay sannadkii 2007.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
26/05/2023 Duration: 02minIswiidhen oo ey ka soo dhammaatay rajadii xulka qaranka ciyaarta koobka dunida ee xeegada barafka ama Ishockey. Khaamiistii shalay sacaddu markay ahayd abaaraa seddexdii galabnimo ayaa adegga samatabixintu ka soo sareen nin da'diisu tahayd 50-meeyo jir biyo uu ku qarqamay jasiirad ku talla Malmö. Habnololeedka shakhsinimo iyo midka wadajirka ama koox ahaan ee soomaalida iyo Iswiidhishka. Elisabet Ask oo is-barbardhigtay labada habnololeed.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
25/05/2023 Duration: 02minWasiirka arrimmaha dibadda Sweden Tobias Billström oo ka faallooday tallaabadii dalka Ruushku ku kacay. Ku hadalka mobaaylka bulshada Sweden oo markii ugu horreeysay sannadka tagay hoos u dhacay 6 boqolkiiba. Cabsi dhanka ammaanka ah oo soo wajahday kaniisadda Pingst-iga kadib markii laba nin oo walaalo ah oo qorsheeynayay weerar lagu qaado kaniisad iswiidhish ah lagu qabtay dalka Jarmalka.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan
24/05/2023 Duration: 02minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Saddex dumar ah ayaa u geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay agagaarka magaalada Vimmerby.Khayraadka dabiiciga ah sida shidaalka iyo macdanta, haddii aan la lahayn aqoonta lagu maamulo waxay horseedi kartaa fakhri iyo dhibaato.12 jirkii jebiyey rikoodhka iibinta ubaxa Majblomma oo aan weli helin lacagtii khidmadda.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan
23/05/2023 Duration: 02minWiil 15 ah oo lagu dhaawacay Iskuul ku yaalla Örebro. 48 oo loo haysto inay lunsadeen lacagta tageerada waxbarashada ee (CSN) degmada Markryd. Wakhti kulaylaha oo loo baahdo shaqaale badan waqooyiga Iswiidhan.
-
Wararka maanta ee Raadiya Iswiidhen
22/05/2023 Duration: 03minGanacsatada iyo shaqa bixiyeyaasha waqooyiga Iswiidhen ayaa cabsi soo wajahday, kadib maray xukuumaddu ku dhawaaqday in la adkeyn doono shuruudaha dadka shaqada dalkan u yimaada. Maxkamadda degmada Umeå ayaa maanta oodda ka qaaday wiil ku eedeysnaa iskuday culus ee maandooriye. In caruurta la dhageysto mar walba ayaa caawisa fahamka waalidiinta iyo ubadka ayuu yiri Dr. Omar Ahmed oo ka howl gala xaafaddaha Järva ahna aqoon yahan cilmiga bulshada.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan
19/05/2023 Duration: 02minXildhibaan lagu tuhunsanaa galmo iibsi oo dacwadiisii hordhaca ahayd hoos loo dhigay. Toogashooyin ka dhacay Stockholm iyo Göteborg arbacadii iyo khamiistii. Ardayda dhigata fasalada afraad oo fahankoodu ku liito luuqadooda hooyo.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
17/05/2023 Duration: 02minWaxaa weli socda howlgalada lagu soo xirayo dadkii ka qeyb qaatay rabshadihii Påsk ee sannadkii 2022. Dhakhtar cabsi ka muujiyay ardayda qaacisa cigaarka E-cigaretter iyo xoolaleyda Glad bonder oo ka gar helay shirkadda Arla.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
16/05/2023 Duration: 03minDadka ku biiraya A-kassa oo si aad ah u kordhaya. Ninisagii la toogtay misana lagu helay dambi, xukuna lagu riday iyo roondooyinka habeenkii ee hooyooyinka xaafadda Tensta Stockholm.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
15/05/2023 Duration: 02minMaxkamadda sare oo oggolaatay dhageysiga dacwad nin hore loogu waayay dambi kufsi gabar 10 jir. Sarkaald bileys oo dukaan ka xaday alaab misana isku dayday in ay hoos u dhigto dacwaddii xatooyadaasi iyo kiradda guryaha Göteborg si aad oo taariikhi loo kordhiyay.