Synopsis
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ahAnsvarig utgivare: Olle Zachrison
Episodes
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
14/12/2023 Duration: 02minBoliiska gobolka Skåne ayaa loo fasaxay iney aad u hubeeysnaadaan inta lagu guda jiro ciidda Kirismaska. Qiimaha cunnada ayaa mar kale kor u kacay bishii nofeembar, marka loo barbardhigo oktoobartii ka horreeysay. Filim sameeye Axmed Cabdillahi ayaa wareeysi ku saabsan filimkiisa 'Amina' siiyayay laanta afka Soomaliga ee Raadiyaha Iswiidhen.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
13/12/2023 Duration: 02minHeshiis cusub oo dhinaca cimilada ah oo uu caalmku gaarey. Gudiga shilalka ee gobolka ayaa bilaabay baaritaan ku aadan waxa sababay shilkan. Waxay u egtahay inay noqon doonto laba sano oo adag oo dhanka suuqa shaqada ah.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
12/12/2023 Duration: 02minWararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen Warbixin laga soo saaray ururka Ibn Rushdi.Khiyaamo baahsan qiimaha iibka ee netka.Ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed iyo hamigiisa badda.
-
Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen.
11/12/2023 Duration: 02minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
08/12/2023 Duration: 02minTirada shaqa-la'aanta dhallinyarada ku dhaqan gobolka Stockholm ayaa kor u sii kacaday. Wakaaladda bii'ada goobaha shaqada ayaa shaaca ka qaaday iney xeerilaaliyaha u gudbisay dacwad ka dhan ah boliiska, middaasina oo la xiriirta habkii boliisku u maareeyay xaaladdii sarkaalkii sare ee boliiska Mats Löfving oo meydkiisa laga heley gurigiisa bishii feeberaayo. Matxafka buugaagta ee Rinkeby ayaa bilaabay 35 sanno ka hor, in uu casuumo qoraayaasha ku guuleeysto biladda Nobel-ka ee suugaanta.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
07/12/2023 Duration: 02minAmaanka Iswiidhen ayaa aad u xumaaday xiliga dayrta. Dhaqtar ku dhaqan degmada Kronoberg ayaa la sheegay in uusan u helin waqti uu ku maareeyo natiijooyinka baaritaanka. Maalinta Jimcaha ee beri ah waxa magaalada Stockholm laga furayaa bandhiga dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
06/12/2023 Duration: 02minMaxkamadda racfaanka ayaa hakisay go'aankii maxkamadda degmada ee ahaa in hay'adda gaadiidka ay tahay inay tesla siiso taarikooyin. Maamulka degmada Staffanstorp, oo gu'gii 2022 joojiyay qaabilaadda tirada qaxootiga ah ee degmada, ayaa hadda waxaa baaraya dacwad oogayaasha iyo booliiska. Caafimaadka dumarka soo galootiga ah ayaa ka liita dumarka Iswiidhishka ama halka ku dhasha.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
05/12/2023 Duration: 02minXisbiyada Socialdemokraterna, Vänsterpartiet iyo Miljöpartiet ayaa uga gudbiyay guddihoosaadka dastuurka ee baarlamaanka dacwad la xiriirta habka loo maro mushaar-dejinta howlwadeennada madaxtooyada. 50 boqolkiiba haweenka uurka ayaa ah kuwo cayilan marka ey iska diiwaangelineyaan xarunta daryeelka hooyooyinka uurka leh. Natiijada iskuullada ee ardeyda Iswiidhishka ayaa aad hoos ugu dhacay, sida ku cad baarista cabbirkii isbarbardhiggii ugu dambeeyey ee PISA oo maanta la soo bandhigey.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
04/12/2023 Duration: 01minWarbixin sir ah oo ay heshay shirkadda warbaahinta dadweynaha Finland ee Yle ayaa shaacisay sida Ruushku u qorsheeyay inuu carqaladeeyo hannaanka Iswiidhen iyo Finland ee ka mid noqoshada gaashaan-buurta NATO. Ku dhawaad labadii degmaba mid ayaa waxa ay qorshaynasaa iney dhimaan dugsiyada dhaqammada afarta sano ee soo socoda Xukuumadda ayaa soo jeedisay fikir la filayo in uu hirgelo bisha Febraayo, midkaas oo ah in qofka laga mamnuuci karo tegista goobaha qaar si looga hortago dembiyada.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
01/12/2023 Duration: 01minNofembertii ugu mugdi badnayd. Nin taariko ka xaaday gaadhi Boliis oo shallaayay markii la qabtay. Wiil indha la' oo jaamacad ka baxaya.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
30/11/2023 Duration: 02minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Aradey jaamacadda laga eryay iyo qaar digniin la siiyey.Dhiig la'aan ka taagan mandiqadda Västerbotton.Qiimaha dirista waraaqaha oo kor loo qaaday.Dadka u dhinta wadne-xanuunka oo hoos u dhacay Iswiidhen.
-
Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen
29/11/2023 Duration: 02minDawlada oo kordhin doonta lacagta dulsaarka ah ee la saaro deynta ardaydu qaataan sanadka soo socda. Dhakhtar ka hawlgeli jirey Norbotten oo shahwadiisa ku bacrimeyey haween xili uu ka hawlgalayey qaybta bacriminta. Iswiidhan ayaa sanadkan qaadan doonta qaxoontigii ugu yaraa tan iyo 2016.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
28/11/2023 Duration: 02minWay adag tahay in telefoon lagu gaadho hayada caymiska dadweynaha shaqaale dhimis la sameeyey awgeed. Dhallaanka fasallada sideed ee Iswiidhen oo kaalinta labaad ka galay su'aalaha arrimaha bulshada iyo Dimuqaradiyada. Walaal ila Orod waa olole laga bilaabay Malmö 2019 kuna faafay Iswiidhen iyo wadamo ka baxsan.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
27/11/2023 Duration: 02minWaxyeellooyinka ra'sumaal ayaa ku soo badanaya iskuullada Falköping. Waxaa jiri doona baraf badan oo ku teedsan xeebta Norrland malmaha Talaadada iyo Arbacada. Goobo ka mid ah Soomaaliya ayaa ku jira xaalad adag ka dib markii daadad iyo fatahaado ay ka dhaceen gobollada qaar.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
24/11/2023 Duration: 02minXukuumadda Iswiidhen ayaa iminka ka falcelisay muuqalkii lagu faafiyey gaar ahaan aaladaha bulshadu ku kulanto luuqadda carabiga, halkaasina oo si khaldan loo tarjumey hadal uu ka soo yeeray madaxa xukuumadda Iswiidhen, Ulf Kristersson. Kooxda kubbadda cagta haweenka Häcken oo ka guuleysatay kooxda Real Madrid. Barnaamij ku saabsan xanuunka covid-19 iyo mawjada cusub oo xanuunkaasi ah oo laga dareemayo dalka Iswiidhen.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
23/11/2023 Duration: 02minWakaaladda maamulka iskuullada Skolverket ayaa u soo bandhigtay xukuumadda warbixin la xiriirta in la dheereeyo saacadaha waxbarasho ee dhallaanka dhigta dugsiyada hoose fasallada 1-3. Qiimaha cunnada ee iskuullada ayaa cirka isku shareeray, middaasina oo degmada u soo jiidda kharash badan oo kaga baxa. Bangiga qaran ayaa kor u qaaday ribada hagista siddeed jeer wixii ka dambeeyey bishii Feeberaayo ee sannadkii 2022, si loola dagaalamo sicirbararka.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
22/11/2023 Duration: 03minBorofisar ku takhasusay badbaadada waddooyinka Astrid Linder oo ka mid noqotay 100-ka haween ee ugu saamaynta badan siday soo bandhigtay shirkadda adeegga dadweynaha ee Ingiriiska ee BBC. Furriinka hurddada, oo loola jeedo in qolal kala duwan la seexdo ayaa badbaadin karta hurddada iyo xiriirka lammaanahaba, sida uu sheegay caalinka baaraha hurddada Christian Benedict. Shirkadaha kaalmadu waxay ku shaqeeyaan gargaar shakhsiyeed, oo ay ku jiraan dadka naafada ah oo musuq ku shaqeeya.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
21/11/2023 Duration: 03minIyada oo uu jiro farqi dhanka caafimadka ilkaha ah ayaa haddana dhakhaatiirta ilkuhu waxay xoojinayaan muhiimada cadaygu leeyahay. Degmada Stockholm ayaa shaacisey inay diyaar u tahay martigelinta tartanka qaboobaha ee olambikada sanadka 2030. Xiligan ardayda dugsiyada dhexe dooranayso barnaamijyada dugsiga sarre ayay la kulmaan caqabado kala duwan.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
20/11/2023 Duration: 02minKaliya 38 boqolkiiba dadka Iswiidhishka ah ayaa iska hubiya macluumaadka ay qadka internet-ka ku arkaan in uu yahay mid sax ah iyo in kale. Liiska cusub ee dembiilayaasha la raadinayo ee Yurub ku dhaqan sannadka 2023 ayeey ku jiraan 3 Iswiidhish ah. Barnaamij uu Raadiyaha Iswiidhen ka wareeysanayo waalidiin ka hadlayaan arrinka dhaqan celiska ee carruurta dalkii loo geeyo.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
17/11/2023 Duration: 02minKhaladaad culus ayaa dhacay markii guddiga arrimaha bulshada ee degmada Älvsbyn ay go'aansadeen in saddex carruur ah, oo hore loo dejiyay guryaha qoyska ama 'familjhem', dib loogu celiyey waalidkood. Kooxda kubbadda cagta ragga ee Iswidhen ayaa maalintii shalay gul dari weeyn kala kulmeen dhigooda Asarbayjan. Hordhac waraysi uu Raadiyaha Iswiidhen la yeeshay Kristian Svenberg oo muddo 20 sannadod uu dhakhtarnimo kaga shaqeeynayay xaafadaha danyarta iyo ajaanibtu ku badantahay.